Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciimo Katirsan Maxaakiimta oo Joohar Qabsadey
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 26 2008
Ciimo Katirsan Maxaakiimta oo Joohar Qabsadey
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 26 March 2008

Joohar,(insidesomali.org)-Arbaco, Ciiidamo ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka ayaa saaka Waaberigii waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo halkaasina laga saaray Ciidamadii Gobolka Horey Ujoogey ee taabacsanaa Dowladda.

Lix ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkan Magaalada Jowhar ka dhacay markii ay Ciidamada Maxkamadaha qabsanayeen, tiro kale oo intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo isugu jiray dad rayid ah iyo dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.

Ciidamada Maxkamadaha ayaa markii ay xaqiijiyeen in ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Jowhar ayaa waxay sii daayeen Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Dhexe iyo Saldhigga Degmada Jowhar, kuwaasi oo u xirnaa Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in ay dhacday bililiqo loo geystay Xabsiga iyo Saldhigga Boliska Degmada Jowhar iyo Xarunta Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadii Maxkamadaha ee la wareegay gacan ku heynta Degmada Jowhar ayaa markii ay cabaar joogeen waxay isaga baxeen halkaas, iyadoo Degmada ay haatan tahay mid cidna Xukumin labada dhinac ee dagaalamay, waxayna dadka Jowhar dareemayaan cabsi ku saabsan in ay mar kale dushooda ku dagaalamaan Ciidamadii Gobolka iyo kuwa Maxkamadaha.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee laga qabsaday Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay, balse Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamka oo lagu magacaabo Cabdi Raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta Jowhar iyo Mahadaay, isagoo caddeeyay in ay dagaal ka dhacay Degmada Jowhar kula wareegeen Gaadiid dagaal iyo hub isugu jira mid culus iyo mid fudud.

Cabdiraxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay Xabsiga Degmada Jowhar ka sii daayeen dad sida uu yiri uu iibsan jiray Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in ay isaga baxeen Degmooyinkii ay qabsadeen,”ujeedadeenu ma ahayn inaan meelo qabsanno ee waxaan dooneynay in aan cadawga dhabarka ka jebinno, taasina waan ku guuleysannay dhib la’aan”ayuu yiri Cabdi Raxiin Ciise Caddow.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, la wareegitaanka gacan ku heynta Degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee kala ah Maxamed Cumar Deelle iyo Axmed Cumar Jaandhaay iyo Ciidamo ay wataan ay u baqooleen dhinaca deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo beryahan la soo sheegayay in ay ku sugan yihiin Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >